Goobjoog

Dib u Dhac Ku Yimid Shirkii Madasha Wadatashiga Uga Furmi Lahaa Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa goor dhaw shaaca ka qaaday in dib uu u dhacay shirka madasha wadatashiga Qaran ay ku yeelan lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Guddoomiyaha baarlamaanka…

Dib u Dhac Ku Yimid Shirkii Madasha Wadatashiga Uga Furmi Lahaa Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa goor dhaw shaaca ka qaaday in dib uu u dhacay shirka madasha wadatashiga Qaran ay ku yeelan lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka oo lagu waday inuu furmo 20-ka bishan oo berri ku beegan uu furmi doono 22-ka isla bishan waxayna ka dhigan tahay in Labo maalin uu dib u dhacay.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in arrimo farsamo uu shirkan Labo maalin u daba maray hase ahaatee Koonfur Galbeed ay waddo diyaar garow xooggan.

Magaalada Baydhabo waxaa shalay safar aku tagay guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments