Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Odayaal dhaqameed, waxgarad, siyaasiyiin, xildhibaanno hore iyo sidoo kale xubno matalayey bulshada B/weyne waxaana kulanka looga soo horjeeday guddiga doorashada heer Federaalk oo dhawaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxay sheegeen in reer Hiiraan aanay cidna ugu jirin 22-ka xubnood ee guddigan waxayna ay tilmaameen in siyaasad gaar ah uu arrintan ka leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa sida ay hadalka u dhigeenne.
“Xasan Sheekh Maxamuud waa nin rabo inuu soo laabto oo duurka dad kasoo uruursanaayo, annaga waan kasoo horjeednaa 22-ka qofood ee lagu magacaabay guddiga doorashooyinka, haddii aynu nahay reer Hiiraan cidna naguma matasho guddigaasi, annaga waxaan rabnaa cidda na matali lahayd in Hiiraan ay kasoo baxdo, mana qaadan doonno guddigan mana qaadaneyno” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah siyaasiyiintii shirkaasi ka qeyb galay.




From the comments