Goobjoog

Al-shabaab Oo Dilay Saraakiil Kenyan Ah

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay dileen saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya ka dib weerar ka dhacay degmada Ceelwaaq oo ku taalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo…

Al-shabaab Oo Dilay Saraakiil Kenyan Ah

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay dileen saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya ka dib weerar ka dhacay degmada Ceelwaaq oo ku taalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Shan Sarkaal ayaa la xaqiijiyey inay geeriyootay kadib markii Al-shabaab ay qoriga Baasuukaha la dhaceen gaari ay la socdeen saraakiishan.

Guddoomiyaha magaalada Madhera Cali Roba ayaa u sheegay warbaahinta in weerarkaasi ay ka dambeeyeen Al-shabaab.

Waxaa jiro khasaare kale oo dhaawac ah islamarkaana soo gaaray ciidamada Kenya balse inta uu la egyahay lama xaqiijin.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada ciidanka Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo dalka Kenya intaba.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments