Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in caawa degmadaasi lagu dilay taliyahii ciidanka Nabad sugidda dowladda Federaalka ee gobolka Sh/dhexe C/weli Ibraahim Maxamed.
Rasaas ayaa mar qura la sheegay inay ka dhex dhacday xarun ay ciidanka nabad sugidda ku leeyihiin degmada Jowhar, waxaana la sheegay in dilka taliyaha uu ka dambeeyay askari isla ciidanka halkaasi ku sugan ka tirsanaa.
Sidoo kale askar kale oo ciidankii ilaalada u ahaa taliyaha ka mid ah ayaa la xaqiijiyey in halkaasi uu dhaawac kasoo gaaray.




From the comments