Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo ay ka wadaan degmada Jowhar ee xarunta gobolka shabellaha Dhexe, halkaasi oo xalay lagu dilay taliyahii ciidanka nabad sugidda ee gobolkaasi C/weli Ibraahim Maxamed.
Wararku waxay sheegayaan in dilka taliyaha loo xiray qaar ka mid ah ilaaladiisii, sidoo kalena waxaa la sheegay inuu baxsaday askarigii dilka ka dambeeyay oo ciidanku haatan baadi goobayaan.
Afhayeenka maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay wadaan baaritaanka qaabka dilkan uu u dhacay.




From the comments