SAWIRRO:- Dib u Habeyn Lagu Sameeyay Wadada Isku Xirta Sayidka Iyo Howlwadaag Ee Muqdisho

Dib u habeynayaa lagu sameeyay wadada isku xirta isgoysyada Sayidka iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kadib markii dhawaan qeybo ka mid ah laamigaasi burburiyey roobabkii magaalada ka da’ay.
Sawirro laga qaaday wadadaasi ayaa muujiyay burbur soo gaaray laamiga dhawaaan la saaray jidkan.
Muuq reebkaasi ayaa lagu baahiyay baraha bulshadda , taas oo dadka ku kulma ay aragtiyo naqdin ah ka bixinayeen.
Abduqaadir Abuukar Cadaan oo ah masuul ka tirsan Shirkadda dhismaha wadadan fulisay , waxa uu u sheegay warbaahinta inay u taagan yihiin hagaajinta waddoyinka Magaaladda iyo wixii cillad ah ee ku soo baxa waddoyinkii ay hagaajiyeen sida wadadan oo kale.
Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag Ciise Guure oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda ,waxa uuna sheegay in hubanti ay tahay iyadoo wadashaqaynta shacabka aan la helin aan la hiigsanayn horumar .
Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha in dhaliil haddii shacabku ay jeediniyaan loo baahan yahay inay noqoto mid wax dhista.
Waxaa hadda ka socda Muqdisho dib u dhis , iyadoo aan inta badan waddoyinka dhismahu uu ka socdo aanay ku tiirsanayn gacmo shisheeye oo waxaa lagu dhisayaa intooda badan lacago laga uruuriyay dad shacab ah iyo ganacsato soomaaliyeed.





Munasar Maxamed Cabdi
Goobjoog News