Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta oo Khamiis ah uu barakac baahsan ka soconayo deegaanno ku teedsan degmada Ceel-waaq ee gobolkaasi kadib duqeyn shalay halkaasi ka geysteen diyaaradaha dagaalka ee Kenya.
Dad ku sugan degmada Ceel-waaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dhammaan dadkii deganaa dhulka buuraleyda ah ee degmada Ceel-waaq ku dhaw ay billaabeen in guryahooda faarujiyaan cabsi ay ka qabaan duqeyn ay kala kulmaan diyaaradaha Kenya.
Dadka qaar ayaa gudaha degmada Ceel-waaq soo galay, halka dadka qaarna la sheegay inay u baxsadeen deegaanno kale oo gobolka ka tirsan.




From the comments