Shirka madasha wadatashiga qaran ayaa maanta galaya maalintii Labaad iyadoo hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay ka doodayaan hannaanka doorashada ee sanadkani 2016-ka.
Shirkani waxaa Baydhabo ka furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maalintii shalay ahayd, waxaana uu sheegay in ahmiyad uu u leeyahay shirka dhismaha dowladda cusub.
Maamul gobaleedyada Dalka iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya kuwaas oo qorshaha uu yahay inay isku waafaqaan doorashada sanadkani ka dhacaysa dalka.




From the comments