Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray xeer uu ku aqbaley xil ka qaadis uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada.
Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa kala ah Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha aqbaley magacaabista laba wasiir oo cusub oo xilalkaasi la wareegaya.




From the comments