Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku geeriyootay 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal beeleed ka dhacay deegaanno ku yaalla Koonfurta gobolka Sool.
Deegaanka lagu magacaabo Qooraansey oo u dhow Tuulaad Dhumay
oo 25 waqooyi qoraxsin ka xigta magaaladda Laascaanood ee
xarunta gobolbalka Sool ayaa la sheegay in dagaalka xooggiisa uu ka dhacay.
Beelahan dagaallamay ayaa lasoo sheegayaa in ay isku hayaan dhul daaqsin ku yaalla halkaasi, mana jirto cid kala dhexgashay.




From the comments