Wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dadkii ugu badnaa ay la il daran yihiin cudurka Shuban biyoodka, islamarkaana maalinba maalinta ka dambeysa uu cudurka dad badan soo ridanayo.
Inta la xaqiijiyey waxaa cudurkaan u geeriyootay 5 qof oo ka mid ah 314 oo dhawaan la dhigay Isbitaallada ku yaalla degmada Baladxaawo.
Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah guddiga caafimaadka ee baarlamaanka Jubbaland ayaa u sheegay Goobjoog News in dadaal xooggan ay wadaan oo dawo lagu gaarsiinayo degmadaasi.




From the comments