Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyin ay la kulmaan dhammaan wariyeyaasha ka shaqeeya deegaannada Somaliland.
Waxay sheegeen in ugu horreyn ay maamulka Somaliland ka dalbanayaan in si shuruud la’aan ah uga shaqeeyaan sidii lagu sii deyn lahaa Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo dhawaan laga qafaashay magaalada Tog-wajaalle ee xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wariye Nuux ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kadib markii la sheegay in uu warbixin aanay jeclaysan maamulkaasi kasii daayey muuqaal baahiyaha uu ka howlgalayey ee HCTV.




From the comments