Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo oo ku saabsan xuska sannad-guuradii 39-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Djibouti u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo keygaba waxaa sharaf weyn ii ah inaan idin la qeybsado farxadda xuska maalinta xornimada dalkiina. Djibouti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero inoo ah, horumarka aad gaarteenna muddadii aad xornimada haysateen waa horumar ay Soomaaliyana ku faanto’, ayuu dhambaalkiisa ku yiri Madaxweynaha.
Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale dhambaalkiisa uu ku ammaanay hoggaanka Madaxweyne Geelle oo uu sheegay inuu reer Djibouti u horseeday horumar, nabad iyo xasilooni.




From the comments