Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in diyaarad nooca loo yaqaan Darone-ka gaar ahaan kuwa wax basaasa ay ku dhacday duleedka deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabellaha Hoose.
Deegaankan ayaa qiyaastii waxa uu 30-km u jiraa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose,waxaana la sheegay in halka ay ku dhacday ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa laga sheegay in xilliyada soo aadan ay soo bandhigi doonaan diyaaraddan oo ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan.




From the comments