Koox Hubaysan ayaa Xalay Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen Qof Rayid ah, halkaas oo markii dambe ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Dilkan waxa uu ka dhacay Suuqa Kalluunka lagu iibiyo ee Xaafada Via Liberia , ilaa iyo hadana lama Ogaan sababta qofkaan loo dilay.
Dadka degaanka ayaa ku waramay in goobta dilka uu ka dhacay , laga maqlayay rasaas teel teel ah, taas oo aan la sheegin in ay ahayd iska hor imaad iyo in kale.




From the comments