Taliska Ciidamada Booliska gaarka ah maamulk Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay xaaladda degaanka Goofgaduud oo saacadihii la soo dhaafay gacan ku heynteeda ay hadba qolo la wareegeysay.
Taliye ku xigeenk ciidamadaasi Maxamed Isxaaq Caracase oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda iyo maamulka oo iskaashanaya ay dib ugu laabtaan halkaasi.
Wuxuu sheegay in ammaanka degaanka uu yahay mid wanaagsan isagoo beeniyay in laga barakacay degaanka oo dadkii ay uga hayaameen dagaallada 24-kii saac ee la soo dhaafay ku dhexmarayay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab.




From the comments