Waxgaradka gobalka Sool ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleedka ka soo cusboonaday degaannada hoos yimaada gobolkaasi oo ay ku dhinteen dad u badan shacab aan waxbo galabsan.
Boqor Cabdi Boqor Axmed Cali oo ka mid ah waxgaradkan ayaa isaga oo wareysi siiyey Goobjoog News waxa uu sheegay in ay soconayaan dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka iyo Salaadiinta gobalka Sool kuwaas oo lagu doonayo in lagu hakiyo colaaddani ka taagan dhanka Koonfureed ee gobalkaasi.
Wuxuu sheegay in ciidamada Somaliland ay kala dhex galeen beelaha dagaallamaya isagoo beeniyay in hub uu leeyahay maamulka Somaliland ay ku dagaallamayaan beelaha diriraya.




From the comments