Degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa ka soconaya tababar ku saabsan sidii bulshada uga faa’ideysan mashaariicda kala duwan.
Tababarkani oo galay maalintii Labaad ayaa waxaa uu ka soconayaa Xarunta Maamulka degmada Baardheere, waxaana ka qeyb galaya ergooyin gaaraya ilaa 20 xubnood kuwaasi oo ka kala socda maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, Culimada, Dhallinyarada iyo Ururka Haweenka degmada.
Tababarkani oo uu soo qaban qaabiyey maamulka degmada Baardheere ayaa Qodobada Muddada 3-da maalin ah ee looga doodi doona kamid ah Mashaariic ballaaran oo la doonayo in laga hirgeliyo degmada Baardheere iyo sidii Bulshada degmada ay u hanan lahayd Mashaariicdaasi oo isugu jira dib u dhiska iyo horomarinta deegaanka.





From the comments