Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Dadkii ku dhintay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo qarax miino uu kula kacay Deegaanka lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh maxamuud oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay ka xun yihiin dhibaatooyinka ay shacabka Soomaaliyeed la kulmayaan.
“Saakay waxaa qarax lala eegtay gaari ay dad shacab ah ay saarnaayeen, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Aabe iyo Saddex Caruur ah oo uu dhalay si nabad ahna ku socday, ilaah ayaan uga baryeeynaa inuu mariyo dadka sidan sameeyay ciqaab adduun iyo mid aakhiro” ayuu yiri Madaxweynaha.




From the comments