Faah Faahin Dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray Xabsiga magaalada B/weyne, iyadoo lasoo sheegayo khasaare halkaasi ka dhashay.
Bamkan ayaa lagu tuuray sida la sheegay albaabka hore ee Xabsiga B/weyne, waxaana la sheegay in Hal qof uu halkaasi ku dhintay Labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Ciidamada dowladda ee ku sugan bannaanka hore ee Xabsiga ayaa la sheegay in ay rasaas badan cirka u rideen, laakiins wax khasaare ah ma aanay geysan rasaastaasi.




From the comments