Lix Qof Oo Ku Geeriyootay Weerar Ka Dhacay Magaalada Mandheera Ee Waqooyi Bari Kenya

Labo Bas oo nuuca dadweynaha ah ayaa lagu weraray tuulo ka tirsan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya sida gudoomiyaha degmadaasi Fredrick Shisia uu u shegay wakaladda wararka ee Reuters .
Rag hubeysan ayaa basaskan u galay wadada waxaana ay ku dileen Lix qof oo rakaabka ahaa.
Labadan Bas ayaa ka yimid dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya .
Wararka ayaa sheegaya inuu sidoo kale jiro dhawac werarkaasi ka dhashay oo dadka kasoo garay rasasta kooxda werarka qadday ay hubiyeen gadiidkan.
Billawgii Bishii hore ayeey ahayd markii rag looga shakisan yahay Al-shabaab ay werareen Boolis sagootinayey Bas u socday magaalada Nairobi werarkaasi oo ay ku dhinteen 6 kamid ah booliska dalkaasi.
Al-shabaab ayaa tani markii ciidamada dalka Kenya ay gadaha usoo galeen Soomaaliya waxa ay weraro ka geysanayay gudaha dalkaasi.
Weerarka maanta dhacay waxa uu kusoo aadayaa iyadoo laamaha ammaanka Kenya ay digniin u jeedinayeen shacabka sababa la xiriira weraro Al-shabaab ay ku qaadeen basaska ku safraya deegaannada xuduudda Soomaaliya ku dhaw.
Goobjoog News