Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu magaaladaasi kula kulmay bulshada qeybaheeda kala duwan.
Kulankaan ayaa looga hadlayey ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo, sida looga hortagi karo falalka amni xumo ee magaalada kusoo kordhay iyo sidii loola dagaallami lahaa cid walbo oo nabad galyada wax u dhimeysa.
Xubno ka tirsan golaha maamulka Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirrada Amniga, Deegaanka, Hawlaha guud iyo maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo oo khudbado kasoo jeediyey shirka ayaa dadweynaha u sheegay inay jiraan hawl-gallo lagu sugayo nabadgelyada oo laga bilaabay magaalada, islamarkaana waxay ka codsadeen bulashadu in ay la shaqayso laamaha amniga.





From the comments