Tarsan “Weli Guddiga Dooarashada Waxaa Ku Jira La Taliyeyaasha Madaxda Sare Ee Dalka”

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in wali ay jiraan dul duleello iyo dhaliil ka jirta qaabka shaqo ee Gudiga doorashada ee dhawaan la magacabay.
Tarsan waxa uu sheegay in Guddiga ay ku jiraan shaqsiyaad weli la shaqaynaya Madaxda Dowladda Federaalka, taas oo uu yiri waxa ay keeni kartaa shaki ku aadan doorashadda.
Waxa uu xusay Gudoomiyaha in ay wanaagsan tahay in Guddiga doorasho uu ahaado mid madax banaan hase ahaatee Guddigan hada jira uu xiriir la leeyahay Xafiisyada ugu sareeya dalka.
“Guddiga doorashada sideedaba waxaa loogu talo galay inay ahaadaan guddig dhex dhexaad ah oo dadka ku tartamaya doorashada aanay xiriir la laheen, inkastoo guddiga dhawaan la magacaabay uu sidii hore dhaamo ayaa weli waxaan arkeynaa la taliyeyaashii madaxda sare oo guddiga ku jira, waxay abuureysaa shaki, shacabka kalsoonidiisa waxbay u dhimeysaa, dad doorashada hammi uga jiro dad la taliayeyaal u ah inay soo galaan looguma talo-gelin, dareenkaasi ayaan qabnaa” ayuu yiri Tarsan oo la hadlay Goobjoog News.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu dambeyn soo dhaweeyay in xisbiyada dalka ka jira ay Hal shaqsi ku yeeshaan guddigan, balse waxa uu tilmaamay inay jirto kalsooni darro ah Saddexda xafiis ee dalka xubnaha ka socda ee guddiga ku jira waa sida uu hadalka u dhigaye.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan waxa uu dib usoo magacaabay 22-ka xubnoo ee guddiga doorashada 2016.
Goobjoog News