Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay dib ugu laabteen degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool halkaasi oo shalay ay faarujiyeen iyaga iyo ciidanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Wararka aynu helayno waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay dib u degeen fariisinkii ay ku lahaayeen degmadaasi, waxaana sidoo kale ay wadaan howlgallo ulajeedkooda illaa hadda aan la shaacin.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dgemada Rabdhuure ayaa u sheegay Goobjoog News in weli ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya aanay halkaasi dib ugu laaban.




From the comments