Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada B/xaawo ee gobolka Gedo waxay ka wadaan howlgallo la sheegay in lagu baadi goobayo rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Taliyaha saldhigga Booliiska degmadaasi Xuseen Aadan Dhaqane ayaa sheegay inay ka war heleen in Labo ka tirsan Al-shabaab ay degmada gudaha usoo galeen islamarkaana ay wadaan baadi goobkooda.
“Labo ka mid ah nimankii nabad diidka ah ayaan maqalnay in magaalada ay soo galeen iyagii ayaan raadineynaa, dhinaca kale howlgallada maalmahan waan wadnay sababtoo ah nabad diidku magaaladii bay qas ku wadaan” ayuu yiri taliyaha.




From the comments