Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta warbaahinta kula hadlay waaxda Maaj ee degmada Waaberi ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku guuleystay xallinta guri maalmihii dambe dacwaddiisa qaadeysay maxkamadda gobolka Banaadir, kaasi oo ugu dambeyn lagu wareejiyey qoyskii lahaa oo in ka badan 20-sano si qasab ah looga heystay.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee guryaha ku leh magaalada Muqdisho loogana haysto si sharci darro ah ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in si cadaalad ah loo qaado dacwadaha la xiriira xagga dhulalka.
“Waxaan u mahad celinayaa qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir dadaalka dheer ee ay muujiyeen iyo soo celintii gacantooda mar Labaad kusoo celiyeen dadkii muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaa, gabadhii muwaadinadda ahayd, muddo badan gurigaan waxaa xoog ku heystay reer kale, waxaa suurta gashay oo Booliiska suurta geliyay in gurigan gacantiisa kusoo celiyay dadkii lahaa lagana saaray dadkii xoogga ku haystay, qofna xoog kuma haysan karto wax aysan lahayn, waxaan rabnaa in dadka aan lagu gardaroon, haddii aan nahay gobolka Banaadir go’aankeenna waxa uu yahay in aan garab siinno dadka la dulminayo, inaan hoosteenna qof lagu dulmin ayaa go’aan inaga ah” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments