Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa wada hadal uga billowday beello walaalo ah oo dhawaan ku dagaallamay deegaanka Dharkeyn Geenyo ee gobolkaasi, dagaalkaasi oo khasaare badan dhaliyey.
Waxgaradka gobolka Sool iyo xubno ka socda maamulka Somaliland waxaa us uurta gashay in la joojiyo dagaalladii tooska ahaa ee socday, waxaana sidoo kale lagu guuleystay in waxgaradka Labada dhinac meel la isugu keeno.
Wararka ay Goobjoog News helayso waxay sheegayaan in beelihii dagaallamay hadda ka wada hadlayaan wixii dhacay iyo sidii ay wax ku billowdeen.




From the comments