Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo saraakiisha amniga Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa isku raacay in isbedel buuxa lagu sameeyo amniga magaaladaasi kadib falal amniga ka dhan ah oo halkaasi ku soo batay.
Madaxweyne Gaas oo magaalada Gaalkacyo ku sugan Saddexdii maalin ee ugu dambeysay ayaa lagu soo waramayaa in uu kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha amniga, maamulka Mudug iyo Gaalkacyo ee Puntland, waxaana ulajeedka kulamadan lagu sheegay sugista amniga Gaalkacyo.
Wasiirro uu ka mid yahay kan amniga Puntland ayaa Gaalkacyo ku sugan, waxaana la isku raacay in la qaado howlgallo ballaaran oo Gaalkacyo looga sifeynayo wax ay ku sheegeen argagixisada.




From the comments