Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga kasii daayey Sagaal ka mid ah maxaabiis ku jirtay Xabsiga Magaalada Jowhar kadib cafis maamulka uu u fidiyay Maxaabiistaasi.
Waxa uu maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ku sheegay siideysmada maxaabiistan inay kala jeedaan sidii ay si farxad leh ay ehladooda ula ciidi lahaayeen.
Afhayeenka maamulka gobolka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro oo warbaahinta kula hadlay Jowhar ayaa sheegay in ay ahaayeen maxaabiis Dambiyo fudu galay.




From the comments