Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin u diray Xarakada Al-shabaab, kadib markii uu jeediyey madaxweynaha khudbad uu arrimo badan kaga hadlayey.
Xubnaha ka tirsan Al-shabaab sida madaxda iyo ciidamada ayuu ugu baaqay inay ka waantoobaan dhibaateynta ay ku wadaan shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Xubanaha ka tirsan Al-shabaab ha noqdeen madax iyo maleeshiyaad waxaan mar kale u jeedinayaa baaq gaar ah, waxaan ugu baaqayaa inay ka waantoobaan naftii halignimada, in ay ka waantoobaan inay dilaan naf aan waxbo galabsan, in waalidkood iyo walaalahood ka joojiyaan qarxinta argagaxa wadata, in ay ka waantoobaan in caruurta Soomaaliyeed agoonteeyaan ama rajo ka dhigaan, waxaan ugu baaqayaa in ay kasoo tallaabaan dhanka ay ku jiraan oo ay u yimaadaan dowladda si gacan looga siiyo in ay nolol caadi ah kusoo laabtaan oo ay ku noolaadaan inta ka hartay noloshooda, xuquuqdoodana si dhab ah loo sugo iyaga oo ka tanaasulaya mabaadida takfiiriga ah ee umadda Soomaaliyeed baabi’inteeda loo soo abaabulay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.




From the comments