Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr Ban Ki Moon ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya ee duqeymaha ka geystay Soomaaliya lagu burburiyey ceelal, guryo iyo xoolo.
Xogahayaha ayaa intaas ku daray inay jiraan tuhunno ah in la isticmaalay rasaasta qaraxyada sii dhalisa ee loo yaqaano Cluster munition sida ay sheegeen saxaafadda iyo bulshada deegaannada duqeymaha ay ka dhaceen iyadoo Kenya ay arrintaas ku sheegtay been abuur.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in diyaaradaha dalka Kenya ay ku dileen Soomaaliya dad shacab ah oo tiradoodu tahay 29 qof kadib weerarkii dhimashada badnaa ee xarakada Al-shabaab ay ku qaadday saldhig Milatari oo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde.




From the comments