Culumada Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay meel ku dhow masjidka Nabigeenna Muxamad NNKH, magaalada Barakeysan Madiina Al-Munawara ee Dalka Sacuudiga.
Bayaan ee kasoo saareen kulankooda ayaa waxay ku sheegeen in qofka weerarkaasi fuliyay aanu wax shaqo ah ku lahayn islaannimo.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo saxaafadda u akhriyey bayaanka culimada ayaa ku baaqay in maalinta berri ah kuna beegan 11-ka July ay shacabka Muqdisho isugu soo baxaan dibadbax lagu muujinayo sida ay uga xunyihiin weerarkaasi.




From the comments