Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Cali Hareeri oo wareysi toos ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in hirgelinta jadwalka doorasho ee 2016-ka laga wareejiyay wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu wareejiyay madasha qaran.
“Waa dhab ah in jadwalka dib looga dhacay laakiin ma arkin wax weyn oo sababi karo in dib u dhac doorashada ku timaado”
Mar la weydiiyay in doorashada ay waqtigeedi dhici doonto, Waxaa uu ku jawaabay “Halmid beysan ku dhici karin, waa markii deeq bixiyeyaasha ay yiraahdaan lacag uma heyno doorashadaan taas oo cabsi weyn laga qabo iyo hey’adihii farsamada ka taakuleynayey oo ay ugu horreyso hey’adda UNDP in xaggooda cillad ka timaado”.




From the comments