Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa lagu soo dhaweeyay Banaanbax balaaran oo Maanta ka dhacay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen qaybaha Bulshada Soomaaliyeed kuna muujiyeen dareenkooda ku aadan Qaraxii dhawaan lala beegsaday Masjidka Nabiga NNKH iyo Xasuuqa Joogtada ah ee Argagixisadu ku hayso Muslimiinta Dunida oo ay ku jiraan Soomaalidu.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Maxed Cbadi Xayir[Maareeye} ayaa ku amaanay Culumada, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo dhamaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed sida ay usoo bandhigeen dareenkooda, taas oo ay ku muujiyeen sida ay Bulshada Soomaaliyeed uga soo horejeedo Falalka Argagixisada, diyaarna ugu tahay in ay ka qaybqaadato Dagaalka ay Dawladda Soomaliya kula jirto Kooxahaas.
Wasiirka ayaa sheegay in ay Dawladdu Fulinayso dareenka iyo rabitaanka Banaanbaxayaasha ee ah in la xoojiyo la-dagaalanka Alshabaab, wuxuuna ku booriyay Bulshada in ay sii wadaan muujinta Dareenkooda ka dhanka ah kuwa caadaystay daadinta Dhiiga Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay si joogto ah u beegsanayaan, wuxuuna Wasiirku ka dalbaday Bulshada Soomaaliyeed in ay ku garab istaagaan Dawladda iyo Ciidamada qalabka sida Ladagaalanka Argagixiasada.




From the comments