Goobjoog

Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan Jubbaland Oo La Wareegay Degmada B/xaawo

Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay awood kula wareegeen degmada B/xaawo ee gobolka Gedo. Ciidan uu hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa la sheegay…

Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan Jubbaland Oo La Wareegay Degmada B/xaawo

Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay awood kula wareegeen degmada B/xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidan uu hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa la sheegay inay galeen degmadaasi maalintii shalay ahayd, waxaana kahor inta aanay gelin ay hawada ka saareen isgaarsiintii degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamada qabsaday degmada B/xaawo ay hubka ka dhigeen maleeshiyaad muddo ku sugnaa degmadaasi.

Xaaladda guud ee degmada B/xaawo waa mid aad u deggan, waxaana lagu arkayaa degmadaasi ciidanka Jubbaland.

Saraakiisha amniga Jubbaland oo aynu xiriir la sameynay waxay sheegeen in tani ay qeyb ka tahay sugista amniga deegaannada Jubbaland.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments