Goobjoog

Qarax Caawa Ka Dhacay Degmada Waaberi Ee Muqdisho

Qarax la sheegay inuu ahaa Miino ayaa caawa ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho gaar ahaan dhabarka dambe ee saldhigga degmadaasi. Qaraxan ayaa la sheegay in lagu qariyey qashin…

Qarax Caawa Ka Dhacay Degmada Waaberi Ee Muqdisho

Qarax la sheegay inuu ahaa Miino ayaa caawa ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho gaar ahaan dhabarka dambe ee saldhigga degmadaasi.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu qariyey qashin yaallay halkaasi, waxaana ku dhaawacmay Hal qof sida ay saraakiisha amniga xaqiijiyeen.

Wararka qaar waxay sheegayaan in qaraxan uu burbur aan badneyn soo gaarsiiyey qeyb ka mid ah dhismaha saldhigga degmada Waaberi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments