Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa baaq nabadeed u diray maamulka Galmudug iyo sidoo kale Ahlu-sunna Waljameeca oo maalmahan dambe lasoo sheegayey in xiisad ay ka dhaxeyso.
Nabadoon C/raxmaan Ibraahim Kheyre oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in hadda aysan habooneen in shacabka loo horseedo dagaal iyo dhibaato cusub.
Waxa uu sheegay in cid walbo oo dagaal billowda loo baahan yahay inay ogaato in maalin un lagala xisaabtami doono.




From the comments