Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka soconayaan kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan qaar ka mid ah waxgaradka gobolkaasi.
Kulan qaatay Shan saacadoood una dhaxeeyay waxgarad iyo xubno ka socda IGAD ayaa shalay ka dhacay magaalada Baladweyne, waxaana kulankaasi kusoo dhamaaday natiijo la’aan.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa qeyb ka ah kulamadan, kuwaasi oo iyaguna maalintii shalay ahayd tagay Baladweyne.




From the comments