Agaasimaha Idaacadda Goobjoog Xasan Maxamuud Maxamed ayaa goor dhaw waxa uu jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysaya islamarkaana looga hadlayey waxqabadka Goobjoog iyo hiigsiga Idaacadda.
Agaasimaha ayaa sheegay in Goobjoog sanadkii tagay ay qabatay arrimo badan oo ka mid ah waxbarashada, Gurmadka abaaraha, garab istaagga dhallinyarada Ubaxa caasimadda ee dhirta ku beermaya waddooyinka Muqdisho.
Wararka Goobjoog ay siideysay ayuu sheegay in waxa ugu horreysay ahayd wararkii degdega ahaa, tabinta wararkii ugu horreeyay dhallinyaro ku dhammaatay badda u dhaxeysa Yurub iyo Masar, dhiirigelinta Ciyaaraha.




From the comments