Goobjoog

Meydka Qof Shacab Ah Oo Laga Helay Duleedka Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in meydka qof shacab ah laga helay saakay deegaanka Luuq Jeelow ee duleedka magaalada Baladweyne. Wariyeyaasheena ku sugan…

Meydka Qof Shacab Ah Oo Laga Helay Duleedka Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in meydka qof shacab ah laga helay saakay deegaanka Luuq Jeelow ee duleedka magaalada Baladweyne.

Wariyeyaasheena ku sugan gobolka Hiiraan ayaa waxay soo sheegayaan in shaqsiga la dilay lagu magacaabi jiray Cali Cabdulle, islamarkaana u shaqeynayey NGO lagu magacaabo Wardi oo ka howlgala magaaladaasi.

Ehlada marxuumkan ayaa u sheegay warbaahinta in wiilkooda ay dileen Al-shabaab kadib markii ay iyagu ugu waceen duleedka Baladweyne iyagoo u sheegayey in dacwo ay u qabaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments