Wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa dirtay hambalyo ku aadan sanadguuradii 4-aad ee Goobjoog.
Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi C/laahi Colaad Rooble oo hadal ka jeediyey munaasabad loogu dabaaldegayo maalinta oo hadda socota ayaa sheegay in Goobjoog ay waxbadan qabatay.
Waxa uu ku ammaanay wasiirka sida Goobjoog ay bulshada ugu adeegtay, islamarkaana aysan is lahayn sanadaha ay jirto iyo shaqada ay qabatay.




From the comments