Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay saakay inuu fashilmay isku day Inqilaab Milatari oo lala damacsanaa xukuumaddiisa, iyadoo madaxweynuhu uu ballan ku qaaday in dadkii ka dambeeyay la ciqaabi doono cidday doonaanba ha noqdaane.
Erdogan ayaa sheegay inuu Afgambigan ka dambeeyaan taageerayaal Fethullah Gulen, oo ah mucaarad ku nool dalka Mareykanka. Erdogan waxa uu ballan ku qaaday in ciidanka laga safeyn doono waxa uu ku tilmaamay canaasir argagixiso ah oo gudaha ciidanka ku jirta.
“Waxaan ku guda jirnaa shaqadeenna, dowladda Turikigana uga tageynno dad fallaago ah” ayuu yiri Madaxweynaha




From the comments