Ciidamo badan oo Al-shabaab ah islamarkaana wata gaadiid dagaal ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay la wareegeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ee Galmudug.
Waxaa la sheegayaa in Al-shabaab ay qabsadeen deegaannada kala ah Camaara iyo Korodhi, iyaga oo isku gadaamay deegaannadaasi.
Lama sheegin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhashay, hase ahaatee dadka deegaannadaasi ku dhaqan waxay tilmaamayaan in dhaqdhaqaaqyada shacabka la hakiyey.




From the comments