Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka dhaco dibadbax aad u ballaaran kaasi oo ka dhan ah Inqilaabkii dhicisoobay ee Milatarigu dalka Turkiga isku dayeen inay ku qabsadaan talada dalkaasi.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Goobjoog Fm ayaa sheegay in shacab ka kala imaan doona 17-ka degmo ee Muqdisho ay dibadbaxan ka qeybqaadan doonaan.
Waxa uu sheegay sidoo kale in dibadbaxani ay ka qeybgali doonaan madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.




From the comments