Goobjoog

Lacagta Liiraha Turkiga Oo Hoos u Dhac Ku Yimid

Lacagta Turkiga ee liiraha ayaa hoos u dhacday 5% marka lagu sarifo lacagta dollarka Maraykanka ka dib markii ciidamada militariga Turkiga ay sheegeen in ay afgambi kula wareegeen dalka Turkiga,…

Lacagta Liiraha Turkiga Oo Hoos u Dhac Ku Yimid

Lacagta Turkiga ee liiraha ayaa hoos u dhacday 5% marka lagu sarifo lacagta dollarka Maraykanka ka dib markii ciidamada militariga Turkiga ay sheegeen in ay afgambi kula wareegeen dalka Turkiga, balse uu fashilmay isku daygaas.

Liiraha Turkiga ayaa hoos u soo dhacay 4.6 boqolkiiba halkii doolar, waana hoos u dhicii ugu weynaa tan iyo sanadkii 2008-da.

halkii liira ayaa lagu sarifayey lacag dhan $0.3475 ka hor inta uusan afgembiga ka billaaban dalkaasi, balse hadda halkii Liira ayaa hoos u dhacay waxaana hadda lagu sarifayaa lacag dhan  $ 0.331, marka la eego suuqyada lagu sariifo lacagaha.

madaxweynaha Turkiga Recep deyeb Ordogan oo shacabkiisa kala hadlay TV-ga ayaa sheegey in ay isku soo baxaan oo ay dalkooda badbaadiyaan, waxaana gebi ahaan fashilmay isku deygii afgembi ee lala damacsanaa xukuumadda Erdogan.

Goobjoog Business

 

 

 

 

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments