Xukuumadda Soomaaliya Oo Xireysa Mashaariicda fathullah Gülen ee Soomaaliya
Sheeko:Dalka

Wasiirrada xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in 7 maalmood gudahood lagu xero Mashaariicda fathullah gülen ee Soomaaliya.
Ninkan oo Mucaarad ku ah madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa dhowr mashruuc ka hirgeliyay magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah: Deva Hospital iyo Nile Academy.
Lama oga saameynta go’aanka xukuumadda uu ku yeelan doono bukaanka ku jiray Isbitaalka Deva iyo caruurta wax ku barato Nile Academy iyo meelaha kale.
Goobjoog News,