Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay adkeyn doonaan amniga guud ee magaaladaasi oo maalmahan dambe gacan ku haynteeda dowladda iyo Al-shabaab isku dabamarayeen.
Guddoomiyaha magaaladaasi Xasan Cumar Macallin oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in mar dambe aanay dhici doonin in magaaladaasi ay la wareegaan Xarakada Al-shabaab.
Waxa uu tilmaamay inay sugi doonaan amniga guud ee Marka islamarkaana ciidamo ka badan kuwa hadda jooga la geyn doono Maagaaladaasi.




From the comments