Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose ay gaaraan saraakiil ciidan oo ka kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM.
Saraakiishan ayaa magaaladaasi la filayaa inay kulamo kula qaataan madaxda maamulka Marka iyo saraakiisha ciidan ee halkaasi ku sugan.
Ulajeedka saraakiishan ay maanta u tagayaan magaalada Marka ayaa ah in wax badan ay ka ogaadaan ammaanka magaaladaasi oo maalmahan faraha kasii baxayey.




From the comments