Wararka ka imaanaya deegaanka Wardiinle ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay dileen dad shacab ah oo isugu jira carruur, Haween iyo dad da ah.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in ay dhinteen 19 qof, oo 10 ka mid ah ay carruur yihiin, waxaana dhaawacmay 8 kale.
“Ciidamada Itoobiya ayaa soo galay gudaha deegaanka gur guri ayeey galeen, waxay mid mid u toogteen dadkii shacabka ahaa, dadka dhaawacmay waxaan usoo qaadnay magaalada Baydhabo” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Wardiinle.




From the comments