Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey xubnaha golaha deegaanka Gaalkacyo kuwaa oo ka kooban 31 mudane.
Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ah wasiirka howlaha guud ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda lagu dhaarinayey xubnahan.
Wasiir Xirsi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xildhibaannadan la dhaariyey laga doonayo in si sharci ah shaqooyinkooda u gutaan.





From the comments